Waadi News - Latest News Update

Mareykanka oo Axmad Madoobe kala hadlay siyaasadda iyo amniga Soomaaliya

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Y. Yamamoto ayaa toddobaadkan booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, waxaana uu la kulmay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”, sida ay sheegtay dowladda Mareykanka.

Ajandeyaashii lagu gorfeeyay kulankaas waxaa ka mid ah arrimaha siyaasadda qaranka, nabadda iyo amniga.

Qoraal lasoo dhigay bogga Facebook-ga ee uu leeyahay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay kulanka Ambaasadoor Yamamoto iyo madaxweyne Axmed Madoobe, balse sharraxaad loogama bixinin arrimaha hoose ee ay ka wada hadleen.

Shirka mas’uuliyiintan ayaa qaatay saacado, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Mareykanka uu Axmed Madoobe si gaar ah ugala hadlay hannaanka doorashooyinka ku wajahan Jubbaland iyo arrimaha federaalka.

Kulankan ayaa kusoo beegmay xilli uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo salka ku haya habka loo maareynayo doorashada soo socota.

Dawladda Federaalka ayaa dooneysa inay hoos ula socoto hannaanka doorashada, halka Jubbaland ay ku doodeyso inay xaq u leedahay in doorashada aan lagu soo faro galinin.

War saxaafadeedyo iska hor imaanaya oo ay dhawaan labada dhinac soo saareen ayaa sii xoojiyay ismaandaafka la xiriira doorashada oo la filayo inay qabsoonto bisha Agoosto ee sanadkan.

Bishii lasoo dhaafay gudaheeda ayey Kismaayo kulan ku yeesheen Axmed Madoobe iyo saraakiisha taliska AMISOM oo uu hor kacayay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Taliyaha Ciidmaada Amisom ee Soomaaliy Tigabu Yilma ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa wafdiga Amisom ee gaadhay Kismaayo, kulankaasna ka qayb galay.

Ujeeddada kulanka ayaa lagu sheegay inay ahayd sidii ay labada dhinac uga wada arrinsan lahaayeen maareynta doorashooyinka bisha August kusoo fool leh Jubbaland iyo hirgalinta howlgallo horleh oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Hannaanka loo qabanayo doorashada, sugidda amniga, iyo hufnaanta ayaa ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee la hadal hayo sidii loo maareyn lahaa.
Shir jaraa’id oo shirka kadib ay si wadajir ah u qabteen Axmed Msadoobe iyo Madeira ayaa faahfaahin looga bixiyay ajendayaashii la isku soo qaaday. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in Jubbaland ay si buuxda mas’uul uga noqoto maamulka doorashada, islamarkaana ciidankeeda ay ku filan yihiin sugidda amniga doorashada.

“Qodobka labaad ee aan ka wadahadalnay wuxuu ahaa Doorashooyinka Jubbaland ka dhacaya, waxay ka hadleen in doorashadu ay noqoto mid si xalaal ah oo amni ah u dhacda, waxaa la isla wada sheegay in Jubbaland ay ku filan tahay fulinta doorashadeeda iyo sugidda amnigaba, wax dhibaato ah oo ka jirana aysan lahayn”, ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Hase ahaatee, sida ay xusayaan warar hoose, qodobkan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid uu Axmed miiska u soo saaray AMISOM, kana mid ahayd dalabaadkiisa ku aaddan wada shaqeynta labada dhinac.

Dhanka kale wuxuu Axmed Madoobe meesha ka saaray inuu jiro khilaaf cusub oo soo kala dhex galay maamulka Jubbaland iyo taliska AMISOM, arrintaas oo uu ku qeexay “hadallo borabogaando ah oo bulshada lagu dhex faafiyay”.
Francisco Madeira ayaa sidoo kale dhankiisa beeniyay wax uu ku tilmaamay “warar been abuur ah” oo ku saabsanaa in wax laga baddalay qorshaha ciidamada AMISOM ee ka howlgala deegaannada Jubbaland.

“Warka ku saabsan in ciidan ka tirsan AMISOM laga wareejiyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo laguna wareejiyay ciidamo kale oo isla AMISOM ah, waa warar been abuur ah, hannaankii ay ciidankan ku shaqeynayeen iyo xarumihii ay horay ugu sugnaayeenba sidoodii ayey ugu sii sugnaan doonaan”, ayuu yidhi Madeira.

Saraakiisha AMISOM ee la kulmay Axmed Madoobe ayaa dhankooda dalbaday in la xaqiijiyo sidii doorashada Jubbaland ay u noqon lahayd mid xor iyo xalaal ah, oo aanay ku dheehneyn wax isdabamarin. Mr Madeira ayaa qodobkaas isdul taagay markii uu shirka jaraa’id kala qeyb galay madaxweynaha Jubbaland, wuxuuna u muuqday in AMISOM ay mowqif adag ka taagan tahay xaqiijinta doorashooyin caddaalad ah oo ka dhaca Jubbaland.
Laakiin isfahanka dhex maray mas’uuliyiinta Midowga Afrika iyo Jubbaland ayey dad badan u fasirteen damaanad qaad buuxa oo Axmed Madoobe loo siiyay in AMISOM ay raalli ka yihiin in maamulkiisu uu maareeyo doorashada. BBC

Posted by