Waadi News - Latest News Update

Maraykanka Oo Pakistan Ku Haysta Diyaaraddii Ay U Adeegsatay Soo Ridista Diyaaraddii Hindiya

Safaaradda Maraykanka ee Islamabad ayaa sheegtay in dawladda Maraykanku ay raadinayso xogo dheeraad ah si ay u ogaato in Pakistan ay diyaaradda Maraykanku sameeyo ee F-16 u adeegsatay soo rididda diyaarad dagaal oo Hindiya leedahay, arrintaas oo meel ka dhac ku ah heshiiskii kala iibsiga diyaaradda F-16 ee dhexmaray Maraykanka iyo Pakistan.

Dawladda Pakistana ayaa ku doodday in ayna diyaarada F-16 u adeegsan soo rididda diyaaradda Hindiya kaddib markii ay ka soo gudubtay xadka u dhexeeya labadan waddan ee ku hubaysan nukliyeerka. Xukuumadda Islamabad ayaa sheegtay in ay soo ridday diyaaraddaas iyada oo difaacaysa nafteeda.

 Afhayeen u hadlay safaaradda Maraykanka ayaa Reuters u sheegay ” Annagu waanu la soconaa wararkaas, waxaanu ku dedaalayanaa in aan helo macluumaad dheeraad ah… si adag ayaanu ula dhaqmaynaa in si qalad ah loo adeegsado heshiisyada difaaca”. Maraykanka ayaa had iyo jeer shuruud ku xidha qaab-adeegsiga hubka uu ka iibiyo waddamada kale.

Posted by