Maraykanka Oo Ka Hadlay Nukliyeerka Sacuudiga - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Maraykanka Oo Ka Hadlay Nukliyeerka Sacuudiga

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa ka dhawaajiyey in aanu dalkiisu u ogolaan doonin in uu Sacuudiga yeesho awoodda nukliyeerka. Pompeo oo waraysi siiyey CBS ayaa ku nuuxnuuxsaday in maamulka Maraykanku aanu marnaba aqbali doonin in Sacuudigu uu yeesho awood nukliyeer ah oo halis gelisa Israa’iil. Telefishanka 13 ee Israa’iil ayaa ka soo xigatay Pompeo in dalkiisu aanu ogolaan doonin dawlad Sacuudi ah oo leh nukliyeer ay ku handido Maraykanka iyo Israa’iil.

Pompeo ayaa sidoo kale sheegay in ayna suurto gal ahayn in ay Sacuudiga u qoraan Jeeg (Cheque) qiimihiisu yahay 150 bilyan oo doollar oo ay haddana u ogolaadaan awood uu ku handido Maraykanka iyo Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee mareegta Bloomberg oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa 3-dii bishan April baahisay warbixin sheegaysa in sawirro lagu qaaday dayax-gacmeedyo ay tibaaxayaan in Sacuudigu uu qarka u saaran yahay dhammaystirka warshaddii ugu horraysay ee nukliyeer ah.

La Wadaag Asxaabta