Connect with us

World News

Maraykanka oo ka guulaystay Maxkamadda Dambiyada Caalamka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa guul ku tilmaamay go’aamka maxkamadda dambiyada caalamku (ICC) kaga laabatay inay baadhitaan ku samayso tacadiyadu uu Maraykanku ka gaysteen Afghanistan. Trump ayaa hore uga digay maxkamadda dambiyada caalamka inay maxkamadayso masuuliyiin Israa’iiliyiin iyo Maraykan ah kaddib markii ay Falastiiniyiintu maxkamaddaas ugu baaqeen inay furto baadhitaanno la xidhiidha Israa’iil.

Madaxweyne Trump ayaa bayaan uu soo saaray ku yidhi ” Tallaabadani guul weyn uma aha muwaadiniintaas oo keli ah balse waxay sidoo kale guul u tahay sarraynta qaanuunka”. Si kastaba ha haatee, maalmo uun kaddib go’aankii Maraykanku uu dal-ku-galka dalkiisa ugu diiday guddoomiyaha Guud ee maxkamadda dambiyada caalamka Fatou Bensouda ayey garsoorayaasha madaxkamaddaasi waxay ku gacan saydhay codsi uga yimid guddoomiyaha guud ee maxkmaddaasi, kaas oo ahaa in baadhitaan lagu sameeyo dambiyo laga cabsi qabo in ay ka dhaceen Afghanistan iyaga oo ku dooday in aan la haynin caddaymo ku filan.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending