Maraykanka Oo Ka Garnaqay Cidda Ku Guulaysatay Dagaalkii Ugu Dambeeyey Ee Hindiya Iyo Pakistan - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Maraykanka Oo Ka Garnaqay Cidda Ku Guulaysatay Dagaalkii Ugu Dambeeyey Ee Hindiya Iyo Pakistan

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Maraykanka ayaa ka garnaqay cidda ku guulaystay dagaalkii ugu dambeeyey ee dhexmaray Hindiya iyo Pakistan. Haddaba sida uu Wargayska reer Maraykanka ee Foreign Policy ka soo xigtay Masuuliyiin Maraykanka ah tirada diyaaradihah Pakistan ee F-16 ayaa ah inteedii hore ka hor inta uuna dagaalku dhicin taas oo beeninaysa sheegashada ciidamada cirka ee Hindiya ee ah in ay Paksitan ka soo rideen diyaarad F-16 ah bishii February.

Hindiya iyo Pakistan ayaa ku dul dagaalamay gobolka Kashmir ee ay isku haystaan maalin uun kaddib markii ay ciidamada Hindiya kusoo xad-gudbeen hawada Pakistan iyaga oo weeraray waxa ay ku sheegay saldhig ay leeyihiin koox mayal-adag oo ka soo horjeeda New Delhi. Intii dagaalkaasi socday ciidamada Pakistan waxay soo rideen mid ka mid ah diyaarada dagaalka ee Hindiya iyaga oo gacanta ku dhigay duuliyiihii oo ku soo dhacay dhinaca Pakistan kaddib markii uu ku booday dalaayada badbaadada (Parachute).

Hindiya ayaa iyana dhinaceeda sheegatay in ay Pakistan ka soo ridday diyaarad iyada oo ciidankeeda cirku ay soo bandhigeen gobolo ay sheegeen inay ka mid yihiin gantaal ay soo ridday diyaaradda F-16 ee Pakistan ka hor intaan aan dhulka la soo dhigay. Balse sida uu baahiyey wargayska Foreign Policy masuuliyiin ka tirsan waaxda difaaca Maraykanka ayaa sheegay in tira koob lagu sameeyey diyaaradaha F-16 ee Pakistan lagu ogaaday in aan wax diyaarad ah laga soo ridin intii dagaalku socday maadaama ayna tiradoodu si dhimin.

La Wadaag Asxaabta