Waadi News - Latest News Update

Maraykanka Oo Ka Baaraan-degaya In Uu 5 Kun Oo Askari U Diro Bariga Dhexe

Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka ayaa ka baaraan-degaysa codsi uga yimid ciidanka oo ku aaddan in ku dhawaan 5 kun oo askari ee dheeraad ah loo diro Bariga Dhexe iyada oo ay ka sii darayso xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran, Sidaana waxaa wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay laba masuul oo ka tirsan wasaaradda Difaaca ee Maraykanka. Labadan Masuul oo codsaday in aan la magac-dhebin ayaa sheegay in ayna wali caddayn go’aanka uu Pentagon-ku ka qaadanayo codsigaas.

Mid ka mid ah labada masuul ayaa intaas ku daray in ujeedka ciidankaasi uu noqon doon dhinaca difaaca. Xiisadda Maraykanka iyo Iran ayaa cirka isku shareertay kaddib markii ay Washignton xoojisay joogitaankeeda Bariga Dhexe iyada oo halkaas u dirtay Maraakiibta diyaaradaha xambaara iyo diyaaradaha dagaalka ee B-52, taas oo u muuqata dhoola-tus lagaga hortagayo waxa ay masuuliyiin Maraykan ahi ugu yeedheen “Khatar ciidamada Maraykanka iyo danihiisa bariga dhexe kaga iman karta dalka Iran”

Posted by