Connect with us

World News

Maraakiib Shidaal oo lagu weerarray Gacanka Cuman iyo Iran oo lagu eedeeyey

Wasiirka arrimada dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa Iran ku eedeeyey in ka dambayso weerarro gacanka Cuman loogu gaystay 2 markab oo saliid (shidaal) sidday. Pompeo ayaa sheegay in sirdoonka Maraykanku ay qiimayn ku sameeyeen nooca hubka loo adeegsaday weerarrada. Sarkaal sare oo Irani ah ayaa mar sii horraysay BBC-da u sheegay in ayna Iran ku lug lahayn weerarrada dhacay subaxnimdii Khamiista. Daraasiin ka mid ah shaqaalaha maraakiibta ayaa la daad gureeyey kaddib markii uu qaraxyadu qabsadeen markabka Kokuka Courageous oo laga leeyahay dalka Japan iyo Front Altair oo laga leeyahay dalka Norway. Maraykanka iyo Iran labaduba waxa ay sheegteen in ay daad gureeyeen shaqaalaha Maraakiibta.
Qaraxyadan oo ka dhacay mid ka mid ah marinada ugu saxmadda badan ee shidaalku caalamka ugu kala goosho ayaa imanaya bil uun kaddib markii 4 markab lagu weerarray biyaha Imaaraatka Carabta. Ma jirto cid qirtay weerarkaas oo dhacay bishii May. Maraykanka ayaa isla dalka Iran ku eedeeyey weerarradaas balse xukuumadda Tehran aaya beenisay eedayntaas.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending