Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suudaan oo la xidhay - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suudaan oo la xidhay

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Suudaan, Cumar Al Bashiir ayaa lagu xidhay xabsi ku yaalla dalkaasi kaddib markii lasoo qabtay habeenimadii xalay aheyd, sida uu ku warramayo weriye BBC ka tirsan oo ku sugan magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

ilo wareedyo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Cumar Al Bashiir lagu xidhay xabsiga Kobar, waxaana si weyn loo adkeeyay amniga halkaasi xilli Al Bashiir kaligiis lagu xidhay xabsigaasi.

Madaxweynaha xukunka laga tuuray ayaa xabsi guri lagu hayay tan iyo markii militariga ay talada dalkaasi la wareegeen toddobaadkii lasoo dhaafay. BBC

La Wadaag Asxaabta