Madaweynaha Somaliland oo isku shaandhayn sameeyey - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Madaweynaha Somaliland oo isku shaandhayn sameeyey

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Xil ka Qaadis: Madaxweynuhu waxa uu xilalkii ka qaaday 1- Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 2- Axmed Xasan Cigaal Sahal, Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya. Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

 3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya

La Wadaag Asxaabta