Connect with us

Somalia

Ma Dhabbaa In Kuuriyada Waqooyi Ay Dishay Ninkii Soo Qabanqaabiyey Shirkii Trump Iyo Hoggaamiyahooda

Wargays ka soo baxa Kuuriyada Koonfureeda ayaa sheegay in xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ay dishay danjiraheedii khaaska ahaa ee Maraykanka kaddib markii uu guul-darro ku soo dhammaaday kulankii ugu dambeeyey ee madaxweynaha Maraykanka iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku wada yeesheen caasimadda Vietnam ee Hanoi.

Wargayskan oo lagu magacaabo “Chosun Ilbo” ayaa intaa ku daray in danjire Kim Hyok-chol oo u xilsaarnaa qabanqaabada shirarka Hanoi lagu eedeeyey khiyaano qaran kaddibna la toogtay kaddib markii uu Maraykanku dalkiis dib ugu celiyey waxyar uun shirka ka hor.

Wargayska ayaa tibaaxay in “Danjire Kim Hyok-chol iyo 4 masuul oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee K.Waqooyi dil lagu fuliyey bishii Mrach kaddib markii baadhitaan lagu sameeyey”. Wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka oo arrintan wax laga waydiiyey ayaa sheegay in xukuumadda Washignton ay baadhitaan samaynayso. 

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending