Waadi News - Latest News Update

Liis sir ah: Kenya ‘oo dalkeeda ka mamnuuceysa siyaasiyiin badan oo Soomaali ah’

Dowladda Kenya ayaa diyaarisay liis ay ku qoran yihiin magacyada 66 sarkaal oo Soomaali ah, kuwaasoo ay ka mamnuuci doonto inay soo galaan dalkeeda.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii ugu dambeysay ee salka ku heysa muranka labada dal u dhaxeeya ee ku saabsan xuduudda badda, sida ay ku warrameen qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee Kenya.

Warqado diblomaasiyadeed oo uu arkay wargeyska The Standard ayaa muujinaya in Kenya ay dhiseyso xayndaab, kaasoo ay ku eedeysay Soomaaliya inay ugu xad gudbeyso “si joogto ah”.

Magacyada ku jira liiskan sirta ah ayuu wargeysku sheegay inay ka mid yihiin wasiir ka tirsan xukuumada Soomaaliya, ra’iisul wasaare hore, xubin ka tirsan baarlamaanka, ku xigeenka madaxa sirdoonka ee Soomaaliya iyo milkiileyaasha shirkad isgaarsiineed.

“Kenya muranka Soomaaliya kala dhaxeeya waxba nagama galin laakiin annaga yeysan nagu xadgudbin”
Dagaalka Twitter-ka: “Soomaaliya yaa wax u sheega”
Wargeyska Daily Nation: Kenya waa inay xoog u adeegsataa muranka xuduudda badda ee Soomaaliya
Muwaadiniin reer Kenya ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, kana dhashay qabiilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sidoo kale ku jira liiska, sida uu wargeysku xusay.

Bishii lasoo dhaafay, saddex siyaasi oo Soomaali ah ayaa loo diiday inay gudaha u galaan Kenya.

Sidoo kale waxaa dib loo soo celiyay xeerkii diyaaradaha Soomaaliya ka imaada ka hor istaagayay inay si toos ah uga soo dagaan garoonka caalamiga ah ee magaalada Nairobi, waxaana lagu amray inay ku hakadaan, laguna baaro magaalada Wajeer.

Bishii Maarso unbay ahayd markii ay Kenya iyo Soomaaliya dib u cusbooneysiiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed, ka dib markii uu soo kala dhex galay muran xoog leh oo la xiriira lahaanshaha xadka badda, halkaasoo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah ee shidaalka.

Bishii Febraayo, safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa laga eryay waddanka, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Soomaaliya ay beecisay shidaalka ku jira xadka badda ee lagu muransan yahay.

Hase yeeshee, dowladda Soomaaliya ayaa beenisay inay iibineysay kheyraadkaas.

Horay ayey Soomaaliya dacwad arrintan la xiriirta ugu gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, taasoo wali laga dhursugayo inay soo saarto go’aanka kama dambeysta ah. BBC

Posted by