Connect with us

World News

Jarmalka Oo Diiday In Uu Furfuro Sanduuqa Madaw Ee Diyaaraddii Dhacday Ee Itoobiya

Afhayeen u hadlay waaxda baadhitaannada shilalka diyaaradaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in xafiiskoodu aanu furfuri doonin sanduuqa madaw ee diyaaraddii Itoobiya ee dhacaday wax yar uun kaddib markii ay Axaddii ka duushay gegida diyaardaha ee Adis Ababa.

Afhayeenka ayaa sheegay in Sanduuqani uu yahay nooc nusub oo u baahan barnaamijyo casri ah, sidaa awgeedan ayna iyaga awoodin inay hawshaa qabtaan.

Si kastaba ha ahaatee, afhayeen u hadlay hay’adda duulimaadyada ee Itoobiya ayaa mar sii horraysay sheegay in labada sanduuq ee laga soo saaray burburka diyaarddii Boeing 737 Max8 loo dirayo Jarmalka si halkaas loogaga soo saaro xogihii uu duubay.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending