Connect with us

World News

Japan oo ay ka burburtay diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-35

Mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-35 ayaa ku dul burburtay badweynta Pacific-ga iyada oo ku jirta tababar milatari sida ay shaacisay wasaaradda difaaca ee Japan. Diyaaraddan nooceedu yahay F-35 oo ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee ugu casrisan xilligan ayaa waxaa lagu farsameeyey dalka Maraykanka balse waxay ka tirsanayd ciidanka cirka ee Japan.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Japan waxaa la helay qaybo ka mid ah hadhaaga diyaaraddaas balse waxaa la la’yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay duuliyihii diyaaraddu. Dalka Japan ayaa ka mid ah 14 waddan oo Maraykanka ka iibsada diyaaradaha F-35.  

Bishii December ayey xukuumadda Tokyo shaaca ka qaaday inay doonayso inay iibsato 147 diyaaradood oo F-35 ah, taas oo ka dhigaysa waddanka haysta tirada ugu badan diyaaradahaas marka laga reebo Maraykanka, walow ay wakhti xaadirkan haysto 12 midh oo keli ah.  

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending