Connect with us

World News

Janaraal Xaftar Oo u digay Turkiga

Janaraal Khaliifa Xaftar oo ah hoggaamiye kooxeed ka dagaalama dalka Liibiya ayaa ku hanjabay in uu duqayno doono doon kasta oo ka timaada Turkiga oo ku soo xidhata xeebaha galbeed ee dalkaasi. Tallaaban ayaa u muuqata mid lagu carqaladaynayo taageerada uu Turkigu u fidinayo xukuumadda Caalamka aqoonsan yahay ee xarunteedu tahay caasimadda dalkaasi Liibiya ee Tripoli. Bayaan ka soo baxay ciidanka Xaftar ayaa lagu sheegay in heegan buuxa la geliyey ciidankooda badda si looga hortago khatar soo waajahi karto xeebaha galbeed ee dalkaasi.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in la weerarri doono cid kasta oo ka soo ag-dhawaata dekedaha mandiqadda galbeed gaar ahaanna Turkiga. Maalintii sabtidii ayey doon ka ka timid dekedda Turkiga ee Samsun oo ku raran hub iyo saanad milatari ayaa waxa ay soo gaadhay dekedda caasimadda Tripoli sida ay muujinayaan sawirro iyo muuqaalo laga soo duubay.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending