Itoobiya iyo Shiinaha oo Duulimaadyadii Ka Joojiyey diyaaradaha Boeing - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Itoobiya iyo Shiinaha oo Duulimaadyadii Ka Joojiyey diyaaradaha Boeing

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Maalin baroor diiq qaran ayaa lagaga dhawaaqay dalka Itoobiya kaddib markii 157 qof ay ku dhinteen diyaaradda Boeing 737 MAX8 oo ku dhacday meel u dhaw magaalada Adis Ababa waxyar uun kaddib markii ay ka kacday garoonka caalamiga ah isla magaaladaasi. Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaanba duulimaadyadii ka joojisay diyaaradaheeda ay Boeing 373 Max8.

Dawladda Shiinaha ayaa iyaduna duulimaadyadii ka joojisay diyaarada 373 Max8 oo ay soo saarto shirkadda Maraykanka ee Boeing kaddib markii ay Axaddii dhacaday diyaarad noocaas ah oo ay Itoobiya leedahay. Waa kii labaad muddo 6 bilood gudahood oo ay diyaaradan galayso, kii kan ka horeeyay waxa uu ka dhacay dalka Indonosia bishii Oktoobar ee sannadkii hore, wax yar uu ka dib markii ay cagaha dhulka ka qaadday.

La Wadaag Asxaabta