Connect with us

World News

Hooyo nafteeda halis u galisay badbaadinta canugeeda

Dabaylo xoog badan oo ku dhuftay dalka Ukraine ayaa horseeday in ay badbaadin cajiib ah dhacdo, ka dib markii canug yar oo gaariga carruurta lagu waday ay la tagtay dabayl xoog badan kuna tuurtay badda.

Hooyada dhashay ilmaha yar ee saddex jirka ah ayaa iyadiina isku tuurtay Badda Madaw si ay canugeeda u soo badbaadiso, sida uu sheegay qof goob jooge ah. Balse qof meesha iska marayay oo arkay mashaakilka dhacay ayaa biyihii ka dabo galay isla markaasna soo badbaadiyay hooyadii iyo canugeedii.
Arrintan ayaa dhacday Isniintii, ka dib markii Ukraine ay ku dhufateen dabaylo xoog badan oo guryo badan saqafyada ka qaaday, geedo baddanna xididdada u soo saartay. Waaxda gurmadka degdegga ah ee Ukraine ayaa laanta BBC-da ee Ukraine la hadasha u xaqiijisay arrintan oo ka dhacday meel u dhaw xeebta magaalada Arcadia – balse maadaama oo shaqaalahoodu aysan meeshaas ku sugnayn waxay sheegeen in aysan faahfaahin dheeri ah hayn.

Balse Vasily Buscharov ayaa laanta BBC-da ee Ukraine u sheegay in uu goob joog ahaa marka badbaadintan la samaynayay.

Mar sii horaysayna wuxuu baraha bulshadu ku xiriirto soo dhigay gaarigii canuga yar lagu waday oo wali badda ku jira, isaga oo soo raaciyay sharaxaadda sida ay wax u dhaceen.

Buscharov ayaa sheegay in isaga oo ku sugan xeebta uu arkay nin dharka iska bixinaya oo ku boodaya biyaha badda oo joogoodu 3 kiiloo mitir ahaa. Qiyaastii 30 ilbiriqsi ka dibna uu arkay ninkii oo biyaha ka soo saaraya haweenay jaakad iyo dharkeedii ku labisan, ilbiriqsiyo ka dibna uu haddana canugii yaraa soo saaray.

“Way noolaayeen wayna miyir qabeen, canugiina cagihiisa ayuu ku istaagay ayuu yiri Buscharov. Si kastaba ha ahaatee Gaarigii canuga ayaan la soo saarin oo biyihii isaga sii jiray. Link

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending