Connect with us

World News

Haweenay Indhaheeda Laga Soo Saaray Shinni Nool

Dhakhaatiirta Taiwan ayaa ku guuleystay in afar xabbo oo Shinni nool ay kasoo saaraan indhaha haweeney ku nool halkaasi.

Shinnida ayaa ku nooleyda gudaha indhaheeda, waana dhacdadii ugu horreysay ee laga soo tebiyo gobolkaasi. Haweenaydan oo magaceeda lagu sheegay Ms He ayaa markii ay Shinnada indhaha ka galaysay waxay qashin ka guraysay qabuuro ay ku xabaalnaayeen qaraabadeedu. In qashinka laga guro qabuuraha waa caado dhaqameed ay sannadka xusaan dadka ku nool Shiinaha.

Hong Chi Ting oo ah dhakhtar ku sugan Taiwan ayaa BBC u sheegay inuu naxay markii uu afar xabbo oo Shinni ah uu kasoo saaray indhaha haweenayda. “Shinnida aan kasoo saaray haweeneyda, waa ay nooleyd, markii hore, waxaana arkay hal xabbo” ayuu yidhi Hong Chi Ting.

Waxaa uu sheegay in Shinnida noocan ah ay jeceshay dhididka dadka. Shinnida qaar ayaa cabtaa illinta dadka oo leh maaddada Protein-ka, sida lagu xusay daraasad ay sameysay xarunta Kansas.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending