Halkan Ka Daawo: Khasaaraha Iyo Burburka Uu Gaystay Gantaal Ku Dhacay Caasimadda Israa'iil - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Halkan Ka Daawo: Khasaaraha Iyo Burburka Uu Gaystay Gantaal Ku Dhacay Caasimadda Israa’iil

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Ugu yaraan 7 Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhaawacmay gantaal ku dhacay guri ku yaalla Waqooyiga Caasimadda Israa’iil ee Tel Viv oo ku taalla badhtamaha Israa’iil. Afhayeen u hadlay ciidanka gumaysiga Israa’iil ayaa sheegay in gantaal laga soo ganay dhinaca Qaza uu haleelay guri ku yaalla Waqooyiga Tel Viv. Telefishanka 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in gebi ahaanba uu burburay guriga uu ku dhacay gantaalku.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo doonaya in markii shanaad ku guulaysto doorashada dhacaysa bisha soo socota ayaa soo gaabiyey booqasho uu ku joogay Washington kaddib markii uu weerarkani dhacay. Sida uu ku soo warramayo wargayska Jerusalem Post Netanyahu ayaa sheegay in uu awood buuxda ugu jawaabi doono Xamas.

Geesta kalena milatariga ayaa sidoo kale sheegay in gantaalkana laga soo riday magaalada Rafax oo ku taalla Koonfurta Qaza, qiyaas ahaanna 120 Kiilo Mitir ka fog magaalada uu ku dhacay ee Tel Viv. Taas oo lagu micnayn karo in Xamas haysto sawaariikh tiiradoodu ka dheer tahay 120 Kiilo Mitir.

La Wadaag Asxaabta