Waadi News - Latest News Update

Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Oo Iscasilay

Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa iska casilay xilkii Gudoomiyenimo ee uu ka hayay maxkamada Gobolka Maroodi Jeex. Iscasilaadiisan ayaa ku soo beegmaysa xili la sheegay in laga badelay xilkii gudoomiye nimo ee uu hayay loona badelay garsoore ka tirsan maxkamada rafcaanka, balse isagu wuxuu sheegay inuu iska casilay xilkii gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex, aanu qaban doonina xilka Cusub ee loo magacaabay.

Dhinaca kale waxaa isna xilkii uu hayay laga qaaday guddoomiyaha Degmada Hargaysa Cabdirashiid Beer Geel, waxaana laga dhigay inuu kamid noqdo bahda maxkamada Rafcaanka.

Posted by