Connect with us

World News

Goob jooge ka warramay Daqiiqadiihii Ka horreeyey Dhicitaanka diyaaraddii Itoobiya

Qof goob jooge ah ayaa ka warramay waxyaabihii ku dhacay diyaaraddii Itoobiya wax yar uun ka hor inta ayna dhulka ku dhicin. Tamrat Abera  oo u warramay wakaaladda wararka ee Associated Press “AP” ayaa sheegay in uu arkay qiiq (qiic) ka kacay qaybta dambe, intaa kaddibna inta ay laba jeer gadgadoontay ay dhulka ku dhacday iyada oo qaraxday, uuraduna ay isqabsatay. Baadhayaal caalami ah oo ay hoggaaminayso Itoobiya ayaa baadhaya sababta keentay shilkan masiibada ah ee Axaddii dhacay.

Waddamada qaarkoodna waxay duulimaadyadii ka joojiyeen diyaaradaha Boeing 737 MAX8 iyada oo lagau cabsi qabo heerka ammaankooda. Diyaaraddan nooceedu yahay 737 Max8 ayaa Axaddii ku dhacday duleedka Adis Ababa iyada oo ku sii jeeda magaalada Nairobi waxaan ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa oo ahaa 157 ruux oo kasoo kala jeeda 33 waddan.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending