Connect with us

World News

Golaha Ammaanka Oo Isugu Imanaya Kulan Degdeg Ah

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta isugu imanaya kulan degdeg ah oo ku saabsan xiisadda colaadeed ee ka aloosan dalka Liibiya. Kulankana ayaa imanaya iyada oo Janeraal Xaftar uu weerar ba’an ku hayo caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Kulanka ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyada oo xubnaha golahaasi ay ku kala aragti duwan yihiin dagaalka Khamiistii ka bilbaamay dalkaasi xilli uu ku sugnaa xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. Dagaalkaas ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca tobonaan qof halka ay ku bara-kaceen 3 kun oo rayid ah. Ruushka ayaa carqaladeeyey go’aan lagu cambaaraynayey weerarka Xaftar.

Dadka liibiyaanka ah ee taageersan xukuumadda uu caalamku aqoosan yahay ee ka dhisan caasimadda ayaa ku eedeeyey dawladda Faransiiska inay weerarkaas ka dambayso, balse xukuumadda Paris ayaa beenisay eedayntaas

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending