Waadi News - Latest News Update

Gob iyo Gobonimo.

Gobku Waa geed ballaadhan oo si baaxad leh u baxa. Hooskiisu waxa uu qaadi karaa makhluuq badan. Boqol guurti iyo gadh-cas ah, ayaa guntiisa garta ku naqi kara, islamarkaana go’aanno nabadeed iyo guddoon ku soo gebo-gabayn kara. Xer culimo ah ayaa hoostiisa ku xadrayn karta, oo xadiis, wacdi iyo kulan awliyaad ku qabsan karta. Kooxo haween ah ayaa sitaad iyo Alle-bari ku hoos dhigan kara. Dhallinyaro badan baa ciyaaro, waalo, xaflado farxadeed iyo bandhig faneedyo ka hoos tuman kara, sidoo kale waxa hadhsan kara kadin geel ah, tiro adhi ah, wegen fardo ah, ururro ugaadh ah, raxan dugaag ah iyo jaad kasta oo noolaha kamid ah.
laamihiisa dhumucda leh, ee caleentu hamshaysay waxa ay la hoganayaan hoobaan lulata oo dad, dugaag iyo duunyaba loo soo haliilo, oo inta hagaag looga haago hamuunta iyo baahidaba lagu tiro. Kolka rucubta miidda ah iyo midhaha Rabbi geedkan ka beeray aad muudsato, ee aad macaankooda cabbaar sii milliqsato, waxa aad u marag furaysaa in uu gob yahay.
Caleenta balballaadhan ee baarka kore ee laamaha ka baxday wax-tarkeeda lama soo koobi karo. kol ayaa inta qasil laga sameeyo, hollobta iyo uskagga jidhka la iskaga nadiifiyaa. kol kale maydka ayaa lagu karaameeyaa oo lagu sii maydhaa, inta aan la duugin ka hor. Mar saddexaad dawo ayaa laga sameeyaa, oo tawsta iyo cudurrada ayaa lagula tacaalaa. Sidaas darteed jeerka aad isku nadiifiso, ee adiga oo ifaya islamarkaana dhalaalka korkaaga laga subkanayo aad soo baxdo, amma uu xanuunkii ku hayay kaaga hiiliyo, waxa aad billaahi ugu maraysaa in uu gob yahay.
Samada toddobaad meel ka sii sarreysa, waxa ku yaalla geed wayn oo gob ah. Waa gob sida axaadiistu sheegtay hoobaantiisu jalxad oo kale tahay, caleentiisuna dhegaha maroodiga u eegtahay ballaadh waxa ay ka qabto [Bukhaari, 3598]. Waa geed aan makhluuqu dhaafin, aqoontiisuna gaadhin. Waa gob ay aqoonta nooluhu ku intihooto (dhammaato), waana sababta loogu bixiyay “Sidratu al Muntahaa”, oo macnaheedu noqonayo, gobkii lagu ekaanayay ee aan la dhaafi karaynin. Nebi Muxammed naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaatee, ayaa lagu maamuusay in uu kor u dhaafo habeenkii dheelmadka (micraashka). Malaa’igta midka ugu mudan oo Jibriil ah ayaa isagu gobkaa kaga hadhay nebiga, oo aan kor u dhaafin. Gobonimo iyo karaamo ayay gobka u tahay in Rabbi halkaas ka beero.
Gobku waxa uu ka tirsanyahay dhirta jannada ka baxda, sida ay tilmaamayso aayadda 28aad ee suuradda Al Waaqica. Gobka jannadu se waa mid ka geddisan kan adduunka. Mar nebiga naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaatee, la waydiiyay: miyaanu gobku ahayn geed qodax leh oo wax dhibi kara, sidee ayuu jannada uga baxay?, waxa uu ku jawaabay: miyaanu Ilaahay odhan “waa gob qodxaantii laga jaray”[isla aayaddii hore]. Waxa kale oo nebigu sheegay in meel kasta oo qodaxi ku taallay midh hoobaan ahi beddeshay.
Shimbiraha, baalaleyda yaryar, qudhaanjada iyo makhluuqa kale, ee inta ay magan gashay uu minanka u yahay Ilaahay ayuun bay u tirsan yihiin, haddii aanu gob ahaynna waxaas oo marti ah ma sooreen, oo waliba hoy uma noqdeen.
Xididdadiisu dhul fog ayay biyaha kasoo nuugaan, taasina waa midda u saamaxday in uu xilli kasta cagaarnaado. Waxa hoostiisa ka bixi kara oo ku hoos noolaan kara nagaadha iyo dhirta yaryar. Haddii se aanu gob ahayn, sida garanwaaga ayuu cuno qabatayn lahaa dhirta kale ee ka hoos bixi lahayd, sidaana uu ku noqon lahaa kaligii-noole kaligii cagaaran.
Jiilaalka iyo xilli-abaareedka ay dhirtu wada muruxdo ee caleenta daadiso, islamarkaana hadhka, caleenta iyo hoobaanta intaba la bakhaysho, isagu waa naftii-hure, gu’ iyo jiilaal midna aan is qaawin. Haddii aanu gob ahayn, saw qadoodi iyo qorrax uma quudheen qoomamka ku hoos nool.
Waxa aan xusuustaa waagii aan yaraa, waxa gurigayaga ku hor yaallay geed wayn oo gob ah. Mararka qaarkood waanu shiidi jirnay oo dhagax iyo qoryo ayaannu ku tuuri jirnay, kolkaas buu halkii uu is difaaci lahaa, hoobaan bislaatay noogu deeqi jiray. Mararka qaarkoodna Aabbahay ayaa gilgili jiray amma noo ruxi jiray, jeerkanna halkii uu ka cadhoon lahaa rucub midho ah ayuu noo soo daadin jiray oo aanu ka dibbiri jirnay. Arrintanina waxa ay ku tusaysaa gobonimada, dulqaadka iyo deeqsinimada gobka.
Gobku waxa uu leeyahay qodxo yaryar oo gaagaaban, oo waliba inta badan aan dhayal ku soo daadan. Sida dhirta kale, waxa uu qodaxda u adeegsadaa difaac ahaan. Qodaxdiisu se cid halkeeda ku doonata oo gar-darraysata mooyee, cid kale ma muddo, kolka uu midhaha soo ridayana, qodxo innooma soo raaciyo. Taasi waxa ay ku tusaysaa, in cid kasta oo wanaagsani leedahay hab difaac haba dulqaad badatee.
Waa geed sharaf leh. Oo sinnaan iyo caddaalad u soora dhammaan uumiyaha u soo dheef doonta. Haddii carruuri shiiddo, haddii uu daayeer gilgilo, haddii uu qof lulo, haddii ay shimbiri fuusho, haddii ay diiri dhilato, iyo haddii noole kale oo intaas aan ahayni risiq amma raaxo u soo raadsadaba wanaag ayuu ku soo dhaweeyaa.
Waa geed ay Soomaalidu aad u jeceshahay oo ay guryaha hortooda iyo daaradahaba ka beeri jirtay, islamarkaana astaan u ahaa magaalooyinka. Kalgaceylka ay soomaalidu geedkan u qabtaa waa ka keenay in ay u bixiyaan Gob. Mar aan Dhaqan-yaqaan Mawliid Aadan Biixi waydiiyay faa’idooyinka dhaqan ee gobka waxa uu iigu jawaabay tix gaaban oo uu markiiba curiyay, waxa uu yidhi:

Gob waxaa la ii yidhi,
Galladaydu tiro male,
Midho gaajo biiyiyo,
Ulaa layga goystaa,
Dhisme-guri ka qayb gala,

Gayngaynka haraqana,
Waxa gooya ma ogtahay,
Caleentaydan goonyaha,
Gedafyada ka lulatee,

Gadiidkana hadh wacan iyo,
Gibil qorraxda celiyiyo,
Hoos lagu gamaayaa,
Guulle iigu deeqay.

Haddii aad gob tahay sida gobka oo kale, waa in uunku si nabad ah kuula noolaan karo, kuuguna hoos noolaan karo. wixii dhuuni iyo dhadhamo ah ee aad noolaha dheertahay, waa in lagula dheefsadaa. Wixii caqli, cilmi, xikmad, murti, iyo waayo-aragnimo ah, waa in lagaa faa’iido, islamarkaana lagula wadaagi karo. dhabcaalnimada iyo xaasidnimadu se waa gun camalkeed.
Haddii aad gob tahay sida gobka oo kale, waa in aad hiifka, habaarka iyo haydaarada ka dhawrtaa inta ku hareero joogta iyo inta ku hoos joogtaba, oo aad waji-furnaan iyo uur-fayoobaan kula noolaataa. Coonnimada, qallafsanaanta iyo dabeecad-xumadu se waa gun camalkeed.
Haddii aad gob tahay sida gobka oo kale, waa in aad dadka daawo u noqotaa, oo aad nacaybka iyo colaadda ka dabiibtaa, islamarkaana aad sharka ibleyska iyo shaxda munaafaqa labadaba shalwisaa, oo aad bulshada u noqotaa shifo shuushka ka saarta. Isku-dirka iyo sii-hurinta naceybku se waa gun camalkeed.
Haddii aad gob tahay sida gobka oo kale, waa in marka waqtigu kuu wacanyahay iyo kolka xilligu kugu xunyahay labadaba aad wanaagsanaataa, oo deeq iyo dulqaadba lagugu majeertaa. Waa tii abwaan soomaaliyeed lahaa:
Xareedda lama wacnaado
Abaartana lama xumaado
Adduun xunbo maaha gudhayee!

Haddii se aad noqoto rahii jiilaalka baryootamay, barwaaqadiina kibray, waa gun camalkeed.
Haddii aad gob tahay sida gobka oo kale, waxa habboon in aad ciddii xumaan kugu fasha, wanaag ugu fal-celisaa, oo aad waxyeellada waxtar ku beddeshaa. Gefka oo gef kale lagaga jawaabo iyo xumaha oo xume lagula diriraa waa gun camalkeed.
Haddii aad gob tahay sida gobka oo kale, waxa kula gudboon in aan dhanka Alle lagaa xigin, oo aan cibaadada, dikriga iyo Alle-bariga lagaaga horreyn, sida gobkuba(sidratu al muntahaa) xagga Alle u xigo ee aan loo dhaafi Karin. Diin la’aanta, cibaado la’aanta iyo Alle-diidnimadu se waa gun camalkeed.
Haddii aad gob tahay sida gobka oo kale, waa in jannada lagaa helo, oo aad falalka suubban ee Fardawsa lagu galo ku foognaataa, kuwa xunxun ee naarta lagu galana aad ka fogaataa. Sharka, gefafka oo aan laga toobbad keenin iyo naarta oo lagu waaraa se waa gun camalkeed.
Haddii aan gawdh-gawdhay gobonimada gobka iyo wixii iga gedmay ba waxa sixi doona dadka dhirta aqoonta u leh. Wixii gol-daloolo ah ee geesta hab-qoraalka ka yimaaddana, waxa gufeyn doona qalinleyda farshaxanka ah, sidoo kale, wixii gef ah ee aan xagga tafsiirka ka galo, waxa toosin doona culimada sharafta leh. Intani waa aqoontayda gaaban, waxaanan ku soo gunaanadayaa: gobeey liic oo ha jabin.

Posted by