Waadi News - Latest News Update

Faarax Murtiile aya maanso cajiiba ugu jawabay shacabkii somaliland ee ka xumaaday gabaygi uu garowe ka tiriyay

Kuwa Qaylinayee
Qabta Faarax lahoow 
Qalad ba fahanteene
Qarankay waxma yeelin 
Qofkastoo is bidaaya

Anigaa Qarankayga 
Uga sii Qotadheeroo
Somaliland Qarankayga.
Inay Qoon- yarigaadho
Qudhaydaan ogolaynoo
Qoorgooyaan ka xigye.

Anigaa Qarankayga
Qodax saydha ka dhawra .
Anigaa Qarankayga
Qilaafkiisa daweeya.
Somaliland Qalbigayga
Waa Quluubtiyo maanka

Hooyadaydii i Qaadiyo
Qaaydkii laygu xanbarshayoo
Inaay Qoon yari gaadho
Qundhaydaan ogolayne
Qajilaan idin leeyahay.

Qudbadayduna maaha 
Midaan Qoomay hankooda 
Waa midaan Qarankayga 
Ugu qiil daydayaayaye 
Kuwa Qaaqda guraaye 
Qabta Faarax lahoow
ilmada,aad Qubaysaana
Wayska Qiiro jabaane
Qajilaan idin leeyahay

Qaran kayguna maaha 
Qof midaad ku dirtaanoo 
intuu Qaata warkiina
Durba soo Qabanaye.
Qaynuun baa dalka
yaalle 
Qajilaan idin lee yahay

#Abwaan_Faarax_

Posted by