Connect with us

World News

Faallo Ku Saabsan Golaha Milatariga Ee La Wareegay Talada Suudaan

Waxaa dhawaan dalka Suudaan lagaga dhawaaqay gole milatari oo ku-meel-gaadh ah kaddib markii xilka laga tuuray madaxweyne Cumar Al-bashiir.

Haddaba golaha milatari ee sida ku-meel-gaadhka ah ula wareegay talada Suudaan ayaa ka kooban 10 xubnood:

1-Janaraal Cabdilfataax Al-Burhaan: waa guddoomiyaha golaha, waana madaxweynaha ku meel-gaadhka ah ee Suudaan, Waxa uu ka soo jeedaa gobolka Webiga Niil, bishii February ayaa loo magacaabay baadhaha guud ee ciidanka Suudaan.

2- Janaraal Maxammed Xamdaan Daqloo: Waa madaxweyne ku xigeenka ku-meel-gaadhka ah, waa hoggaanka guutada faro-gelinta degdegga ah oo hore uga tirsanaan jirtay maleeshiyada Al-Janjawiid ee ka dagaalanta gobolka Daar fuur.

3-Janaraal Cumar Zaynul Caabidiin Muxammed: Waa guddoomiyaha guddida arrimaha siyaasadda ee golaha milatariga ee ku-meel-gaadhka ah.

4- Janaraal Al-dayib Baabikir: Bishii September ayuu madaxweyne Bashiir u magacaabay taliyaha guud ee booliska Suudaan.

5-Duuliye Sare Salaax Cabdilkhaaliq: Sannadkii hore ayaa loo magacaabay taliyaha ciidanka cirka ee Suudaan.

6-Janaraal Jalaalu Diin Alshaykh: Bishii February ee sannadkan ayaa loo magacaabay guddoomiyaha hay’adda sirdoonka iyo amniga qaranka.

7- Janaraal Shambsu Diin Kabaashi: Waa afhayeenka golahan, waana taliye ku xigeenkii ciidamada dhulka Suudaan.

8- Janaraal Yaasir Cabdilraxmaan Al-Cadaa: Wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka saamaynta ku leh milatariga Suudaan. Waxa uu hore u soo noqday taliyaha ciidamada ilaalada xuduudda.

9-Janaraal Mustafa Maxammed Mustafa: Madaxweyne Cumar Bashiir ayaa Septembertii inna dhaaftay u magacaabay taliyaha laanta sirdoonka ciidanka.

10-M. Janaraal Eng Baxri Ibraahim Jaabir.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending