Connect with us

Somalia

Dowladda Kenya oo mar kale eedeyn culus usoo jeedisay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa mar kale dowladda Soomaaliya ku eedeysay in ay shidaal ka baareyso Xeebaha Gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Wargeyska The Standard ayaa baahiyay wax uu ku sheegay xog ay baahisay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo muujinaya in shan ka mid ah Ceelasha shidaalka laga baarayo ay ku yaallaan sohdin badeedda Biyaha ee dalka Kenya.

Waxaa uu sheegay Wargeysku in Wasaaradda Batroolka SOomaaliya soo bandhigtay shidaal in laga baarayo 15 toban xirmo oo ku kala yaalla Galmudug, Hirshabeelle iyo Xeebaha Lamu sida ay hadalka u dhigtay Kenya.

Xermooyinka shanta ah ee ay Kenya sheeganeyso ayey ku kala sheegtay xermada 189, 190, 204, 218 iyo 219aad.

Wasaaradda Batroolka SOomaaliya ayaa sheegtay in shidala baarista xermooyinkaas ka billaabaneyso 1da January 2020, sharikad kasta oo ku guuleysatana ay heysato afar sano oo heshiis shidaal soo saarid ah iyo labo sono oo loo kordhin karo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore iska fogeysay eedaha Kenya,waxaana labada dal u dhaxeeya dacwad badeed taalla Maxkamadda ICJ.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending