Connect with us

World News

Diyaarad Taayir La’aan Degtay

Duuliye u dhashay dalka Myanmar ayaa si nabdoon ku dejiyay diyaarad aan lahayn taayirka hore kaddib markii qalabka diyaaradda lagu dejiyo ay cilad ku timid. Diyaaradda qaranka ee Myanmar ayaa ku taraaraxday waddada diyaaraduhu ku deggaan ee gegida diyaaradaha ee Mandalay ka hor inta aysan joogsanin. Duuliyaha diyaarada noocedu yahay Embraer 190, ayaa lagu amaanay in si wanaagsan diyaaradu u dejiyay iyadoo dhammaan 89-ka rakaab ee sarnaa ay waxba soo gaadhin.

Captain Myat Moe Aung ayaa laba jeeer ku wareegay garoonka si kooxaha ku shaqada leh, degidda diyaaradaha ay u ogaadaan, wax ka khaldan. Ayay sheegtay shirkadda diyaaraduhu. Diyaaradan ayaa kasoo kictantay magaalada Yangon waxayna kusoo wajahnayd Mandalay markaas oo duuliyaha uu suura gali wayday in cagaha hore ee diyaarada uu lasoo baxo, waxaa uu isla markii raacay nidaamka degdega ah oo waxaa uu hawada ku daadiyey shidaalkii dheeraadka ahaa ee u sarnaa, si u culayska diyaarada uga yareeyo, shirkadda diyaarada ayaa sidaasi sheegtay.  

Fidiyoow laga dhuubay diyaarada oo degayso ayaa muujinaya diyaarada oo cagaha dambe ku ordayso ka hor inta sanka ama afka hore dhulka taaban, waxayna wadada ku taraaraxday muddo 25 il-bidhiqsi ka hor inta aysan joogsan, ”Duuliyaha waxaa uu qabtay shaqo wanaagsan,” Win Khant, Wasiirka gaadiidka Myanmar, ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee Reuters. Dhacdadan ayaa ahayd tii labaad ee shil diyaaraded ka dhacda dalka Myanmar isbuucan. Arbacadii , ayay ahayd markii diyaarad laga leeyahay dalka Bangladesh ay ku simbiririxootay gegida diyaaradaha ee Yangon oo ay ku dhawacmeen 17 qof oo sarnaa. BBC

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending