Digaag isugu tagay dawaco ka dibna dilay - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Digaag isugu tagay dawaco ka dibna dilay

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Digaag ku sugan beer lagu xannaaneeyo oo iskuul leeyahay oo ku taalla waqooyiga galbeed ee dalka Faransiiska ayaa la rumaysan yahay in ay isugu tageen oo dileen dawaco.

Dhacdadan naadirka ayaa ka dhacday gobolka Brittany ayaa la rumaysan yahay in ay timid ka dib markii dawacadu ay dhex gashay saddex kun oo digaag ah ka dibna uu durba is xiray albaabkii uu ka soo galay.

“In badan oo ka mid ah digaagii ayaa is aruursaday ka dibna afkooda fiiqan ayay ku weerareen” ayuu yiri Pascal Daniel oo ah madax ka ah beerta lagu dhaqo digaaga ee iskuulka Gros-Chêne.

Maydka dawacada yar ayaa meel gees ah lagahelay maalintii xigtay.

Luqunta ayay xagtimo iyo dhaawac kaga yaaleen ayuu yiri Daniel oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP

Beertan lagu dhaqdo digaagga waxaa ku sugan 6,000 oo digaag, kuwaas oo lagu hayo shan aykar. BBC Somali.

La Wadaag Asxaabta