Dibad-baxayaasha Suudaan Oo Qarka U Saaran Qasriga Madaxtooyada - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Dibad-baxayaasha Suudaan Oo Qarka U Saaran Qasriga Madaxtooyada

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Kumanaan mudaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay dibad-baxii ugu weynaa ee lagaga soo horjeedo madaxweyne Cumar Bashiir tan iyo markii kacdoonku ka qarxay dalkaasi bishii December. Kooxaha dibad-baxyada ka wada caasimadda Khurtuum ayaa markii ugu horraysay gaadhay taliska guud ee ciidamada Suudaan, kaas oo dheegga ku haya madaxtooyada dalkaasi. Ciidamada ammaanka ayaa isticmaalaya sunta indhaha ka ilmaysiisa iyaga oo xidhay dhawr qof.

Kacdoonkan ayaa ku soo beegmaya sannad guuradii 34 aad ee ka soo wareegtay af-gembigii xilka lagaga tuuray madaxweyne Jacfar Nimayri. Dibad-baxyada Suudaan oo markii hore ka bilaabmay sicir bararka maciishadda ayaa markii dambe isu rogay kuwo lagu dalbanayo in uu xilka ka dago madaxweyne Bashiir oo talada hayey 30 sannadood. Dhaqaalaha Suudaan ayaa waxaa ragaadiyey cunaqabataymo uu Maraykanku ku soo rogay 20 sanno kahor, kaddib markii Khurtuum lagu eedeeyey in ay maal-geliso kooxaha argagaxisada.

La Wadaag Asxaabta