Connect with us

World News

Dhacdo laga cabsi qabo in ay dagaal Caalami ah horseedo oo ka dhacday Biyaha Khaliijka

: Dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in afar markab oo kuwa ganacsiga ah lagu qaaday weerarro lagu waxyeellaynayo Shalay meel u dhow biyaheeda Gacanka Cumaan.Imaaraadku waxa uu sheegay in shaqaalihii saarnaa aan wax dhimasho iyo dhaawac ah soo gaadhin, sidoo kale waxay sheegtay inaan maraakiibtaasi ka daadanin wax kiimiko ah oo halis ku ah deegaanka. Wakaaladda wararka UAE ayaa sheegtay in dadka weerarka qaaday ay doonayeen inay halis geliyaan nolosha dadka saaran maraakiibtaasi, waxayna ugu baaqday beesha caalamka in la qaado tallaabooyin lagaga hortagayo. Waxaa cirka isku sii shareeraysa xiisadda ka taagan aagaas oo marin u ah shidaalka,

maalmihii u dambeeyayna Maraykanka ayaa aagaas u diray maraakiib dagaal oo dheeri ah. Horraantii Axaddiina madaxda magaalada Fujairah ee dalka Imaaraadka ayaa diiday warar ay saxaafaddu qortay oo sheegay in uu qarax ka dhacay dakadda. Geesta kalena Sacuudiga ayaa sheegay in labo ka mid ah maraakiibtooda shidaalka lagu weerarray meel u dhaw Imaaraatka. Xukuuumadda Sacuudiga ayaa intaas ku dartay in aanu wax khasaare ah soo gaadhin dadkii saarnaa maraakiibta iyo shidaalkii ay sideen balse uu dhaawac weyni soo gaadhay maraakiibta laftooda.

Dawladda Iiraan ayaa weerarkaa cambaaraysay kuna baaqday in lagu sameeyo baadhitaan,  iyada oo tibaaxday in dhacdooyinka noocan ah ay saamayn taban ku yeelan karaan ammaanka badda waxayna ka digtay shirqoollo lagu khalkhalino xasiloonida gobolka. Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaa laga cabsi qabaa inay horseedo dagaal kale oo ka qarxa Khaliijka.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending