Waadi News - Latest News Update

Dawladda Soomaaliya Oo Si Degdeg Ah Ugu Yeedhay Safiirradeeda Suudaan Iyo Masar, Safiir Cusubna U Magacawday Sacuudiga

Dawladad Soomaaliya aya maanta muddo toddobaad ah ugu yeedhay inay dalka ku soo galaan safiirrada Soomaaliya u fadhiya dalalka Suudaan iyo Masar. Ma jirin faahfaahin laga bixiyay sababta loogu yeedhay sida dhaqsada ah inay dalka u soo galaan labada danjire ee dalalka Suudaan iyo Masar u fadhiya Soomaaliya. Balse u yeedhista safiirka ayaa ku soo aaddaysa xilli la filayo dowladda inay isbeddelo ku sameyso safiirrada u jooga dalalka caalamka, waxaana dhowaan golaha wasiirrada ay darajada safiirnimo u dalacsiiyeen illaa shan safiir.

Geesta kalena Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Boqortooyada Sucuudiga. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Posted by