Connect with us

World News

Dawlad Ku Hanjabtay in Ay Ciidanka Maraykanka Ku Darayso Liiska Argagaxisada

Guddoomiyaha guddiga Ammaanka iyo arrimaha dibadda ee baarlamaanka Iiraan ayaa ku hanjabay in Tahran ay ciidanka Maraykanka ku darayso liiska argagaxisda haddii xukuumadda Washignton ka dhabayso hanjbaadeeda ah in ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ay ku darayso liiska ururada argagaxisada.

Masuuliyiin Maraykan ah ayaa u sheegay wargaysyada Reuters iyo World Street Journal in maamulka Maraykanku doonayo in uu ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ku daro liiska argagaxisada.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu wadaa in ay go’aankan ku dhawaaqdo Isniinta soo socota. Kaddib markii uu uu dhacay kacaankii Iiraan sannadkii 1979 ayaa Ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan lagu asaasay go’aanka soo yeedhay hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Iiraan ee xilligaas Al-Imaam Khumayni.

Waxaan looga dan lahaa ilaalinta nidaamkii curdinka ahaa ee wakhtigaas la yagleelay. Dawladda Maraykanka ayaa sannadkii ina dhaafay cunaqabtayn dhaqaale ku soo rogtay ciidankaas.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending