Waadi News - Latest News Update

Dagaalkii Labada Kuuriya, Waddamadii Ka Qayb-Glay Iyo Khasaarihii Ka Dhashay

Dagaalkii labada Kuuriya waxa uu ka mid ahaa dagaalladii ugu caansanaa ee dhacay intii uu lagu jiray dagaalkii qaboobaa ee dunida, waxaannu galaaftay nolosha malaayiin qof. Sababaha dagaalka: Isla markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee adduunku markii taariikhdu ahayd 1945, Ruushku waxa uu ku duulay qaybta waqooyi ee jasiirad la moodda Kuuriya isaga oo halkaas ka hirgaliyey nidaam shuuci ah, halka Maraykankuna haystay qaybta Koonfureed oo uu ka yagleelay nidaam dimuquraadi ah hasa yeeshee bishii December ee sannadkii 1948, Ruushku waxa uu iskaga baxay qaybta Kuuriyada Waqooyi isaga oo Maraykankana ugu baaqay in uu ka guuro Kuuriyada Koonfureed.

Haddaba markii uu Maraykanku ka baxay Kuuriya Koonfureed ayay fursadda ka faa’iideysatay Kuuriyada Waqooyi oo ka awood badnayd qaybta Koonfureed iyada oo weerar ku qaadday 25-kii June 1950-kii, waxaana si dhakhso ah u holcay dhibaatada Kuuriya taas oo horseedday xiisad caalami ah oo socotay saddex sannadood. Duullaankii Kuuriyada Waqooyi laba maalmood kaddib ayuu Maraykanku golaha ammaanka – oo uu ka maqanyahay Ruushku- ka ansaxsaday xeer dhigaya tallaabo milatari oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi, waxaannu sameeyey isbahaysi ka kooban 16 waddan. Madaxweynihii Maraykanka ee Harry Truman ayaa ugu baaqay ciidamadii cirka iyo badda ee NATO in ay u gurmadaan Kuuriyada Koonfureed,

sida oo kalena ay jasiiradda Taiwan ka ilaaliyaan duullaan kale oo shuuci ah, halka uu ciidamadii cirka Maraykanka ee deganaa Japanna u diray Kuuriyada Koonfureed. Isbahaysiga Maraykanku sameystay ayaa ka koobnaa waddamada Australia, Belgium, Luxembourg, Canada, Britain, Colombia, Ethiopia, Greece, Netherlands, New Zealand, South Africa, Thailand iyo Turkey, halka waddamada Sweden, Denmark iyo India ku deeqeen dhakhaatiir. Ciidamadii Kuuriyada Waqooyi shan maalmood duullaankoodii ka dib waxa ay qabsadeen caasimaddii Kuuriyada Koonfureed ee Seoul iyaga oo cadawgoodii ku go’doomiyey dhul cidhiidhiya oo ku yaalla koonfur bari jasiirad la moodda Kuuriya.

Haddaba markii uu dagaalku socday bil iyo badh ayuu Maraykanku ciidamadiisa badda soo galiyey Kuuriyada Koonfureed. Labada Toddobaad kaddib Maraykanku waxa uu ciidamada Kuuriyada Waqooyi ka qabsaday Seoul isaga oo ku qasbay ciidamada Kuuriyada Waqooyi in ay dib ugu laabtaan khadka kala qaybiya labada waddan. Toddobadii bishii October ee sannadkii 1950, ciidamadii qaramada midoobay ee Maraykanku hoggaaminayey waxa ay galeen Kuuriyada Waqooyi iyaga oo 18-kii isla bishaas qabsaday caasimadda Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang. Toddobaad kaddibna waxa ay gaadheen webiga kala qaybiya Jasiiradda Kuuriya iyo Shiinaha,

taas oo kalliftay in uu Shiinuhu soo galo dagaalka isaga oo weerar ba’an ku qaaday Maraykanka iyo xulafadiisa kuna qasbay in ay dib u laabtaan. Shiinuhu isaga oo ka faa’iideysanaa fursada waxa uu ku duulay qaybo ka mid ah dhulkii Kuuriya. Guusha Shiinaha awgeed ayay caasimadda Pyongyang dib ugu noqotay gacanta shuuciyiinta kaddib markii ay toddoba usbuuc haysteen Maraykanka iyo xulafadiisu. Bil kaddib ciidamada Shiinaha ayaa dib u qabsaday caasimadda Kuuriyada Koonfureed ee Seoul afartii January 1951. Haddaba 21-kii January 1951 ciidamada Maraykanka oo garabsanaya . kuwa Qaraamda Midoobay ayaa weerar ba’an ku qaaday ciidankii Shiinaha ee ku sugnaa Kuuriyada Koonfureed.

14-kii March 1951 ayey xulafada Maraykanku dib u qabsadeen caasimadda Seoul , iyada oo ciidankan Maraykanku u ruqaansaday dhinaca Waqooyiga isaga oo gaadhay Khadka 38 ee kala qaybiya labada Kuuriya.

Tirada ciidamada ka qaybgalay dagaalka labada Kuuriya. Maraykanka: 260 kun oo askari; Qaramada Midoobay: 35 kun oo askari; Kuuriyada Koonfureed: 340 kun; Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi oo wadajir ah: 865 kun. Ciidamada cirka ayaa door wayn ka qaatay dagaalkan labada Kuuriya, iyada oo markii ugu horraysay wixii ka dambeeyey Dagaalkii Labaad ee Adduunka si baaxad leh la isu adeegsaday diyaaradaha dagaalka.

Dagaalkan waxaa ku soo shaacbaxday awoodda ciidamada cirka ee Shiinaha waayo waxay xilligaa haysteen 1400 oo diyaarado dagaal ah, oo kala badh ay yihiin MiG-15 oo ahaa diyaaradihii dagaalka ee ugu khatarsanaa xilligaas, mana suurto gelin in la adkaado ciidamada cirka ee Maraykanka ilaa uu Maraykanku hindisay diyaaradaha dagaalka ee F/86 taas oo iska dhicisay diyaaraddii MiG-15 ee sancadeeda uu lahaa Midawgii Soviet.

Khasaaraha dagaalka: Kuuriyada Koonfureed: waxaa ka dhintay 147 kun, dhaawac: 210 kun. Kuuriyada Waqooyi: 300 kun dhimasho, 220 kun dhaawac. Tirada rayidka ee laba Kuuriya ka dhimatay waa 2 milyan. Maraykanka waxyeellada soo gaadhay waa 157530 askari oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Xulafada Maraykanka: 16532 khasaare ah oo 3094 dhimasho yihiin. Shiinaha: 200 kun oo dhimasho ah iyo boqollaal kun oo dhaawac ah.

Posted by