Waadi News - Latest News Update

Cilmi Baadhis Muujisay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Xanuunka Asaasaqa Iyo Saxmadda Gawaadhida

Saynisyahanno reer Kanada ah ayaa ogaaday in dadka ku nool agagaarka woddooyinka mashquulka badan ay halis sii koraysa ugu jiraan in ay asaasaqaan ama dhibaato wayn soo gaadho habka ay maskaxdoodu u shaqayso. Cilmi baadhistan waxaa daabacday jariiradda arrimaha caafimaadka ee Lancet ee Britain ka soo baxda. Saynisyahannadu waxay muddo toban sano ah baadhitaan ku sameeyeen 2 milyan oo ruux oo ku sugan dalka Kanada.  Waxay ogaadeen in dadka dagan meel 50 mitir u jirta waddooyinka saxmadda badan in ay u badan tahay in ay boqolkiiba 11 uga dhawyihiin in uu ku dhaco cudurrada maskaxda khalkhaliya marka la barbardhigo dadka kale ee ka fog waddooyinkaas.

 Waxay sheegeen in qiiqa wasakhaysan iyo sawaxanku ay ka qayb qaataan in maskaxdu diciifto.  Kadib markii isbabar dhig lagu sameeyey dadkii daganaa meel 300 oo Mitiri u jirta waddooyinka saxmada leh, khatarta xanuunka asaasaqa ayaa boqolkiiba 7 ku badatay dadka 50 mitir u jiray Waddooyinka waaweyn ee saxmadda ah, halka boqolkiiba 4 ay khatartu ku badnayd dadkii 50 ilaa 100 mitir u u jiray Waddooyinka, lakin dadyowgii ku noolaa meel Waddooyinka 101 ilaa 200 u jirta, khatartu waxa ay kor u kacday boqolkiiba 2. Muddii Cilmi-baadhistu socotay Waxaa la helay 243,611 Xaaladood oo ah xanuunka Asaasaqa, hasa yeeshee Waxa uu xanuunkani ku badnaa dadkii ka agdhwaa waddooyinka ay ku badayihiin baabuurtu.

Ku dhawaad 50 milyan oo ruux oo adduunka ku nool ayaa qaba noocyo ka mid ah xanuunka asaasaqa. Si kastaba ha ahaatee lama oga sababta rasmiga ah ee keenta xanuunka Asaasaqa laakin waxaa jira waxyaabo loo aaneeyo sida: 1-Da’da. 2-Hiddaha. 3-Xanuunka macaanka noociisa 2aad. 4-Sigaarka. 5-Dhedignimada (Haweenimada). 6- Jimicsi la’aanta. 6-Cuntada aan caafimaad ahaan fiicnayn.

Posted by