Waadi News - Latest News Update

Cilmi-Baadhis Daaha Ka Fayday In Waddamada Reer Galbeedku Ay Carabta Iyo Muslimiinta Kaga Horreeyaan Ku-dhaqanka Mabaadi’da Islaamka

Cilmi-baadhis cusub oo ay samaysay Jaamacadda George Washignton ayaa soo bandhigtay waddama ugu horreeya adduunka xagga ku-dhaqanka mabaadi’da Islaamka. Sida cilmi-baashistu sheegtay waddamada Ireland, Denmarka, Luxembourg, Sweden, iyo Norway ay yihiin kuwa ugu horreeya dhinaca ilaalinta mabaadi’da Islaamka. Sacuudiga ayaa galay kaalinta 93-aad, halka Tunisia iyo Masarna ay kala galeen 72 iyo 128, balse waxa yaab noqotay in Israa’iil ay gasho kaalinta 27-aad ee dhaqan-gelinta mabaadi’daas.

Masaysia iyo Urudun ayaa kala ahaa 33 iyo 76. Marooko iyo Yemen waxa kala xejisteen kaalmaha 120 iyo 180, Suuriya Kuwayt iyo Imaaraatkuna waxa ku soo baxeen kaalmaha 168, 48 iyo 64 sida ay u kala horreeyaan. Cilmi-baadhistan oo lagu sameeyey 128 waddan ayaa Isbarbar-dhig ku samaysay distoorada, garsoorka, dhaqaalaha iyo qaabka ay waddamadaasi ula dhaqmaan muwaadiniintooda, iyo 113 mab’da oo laga soo minguuriyey Kitaabka Quraanka ah iyo Sunnaha Nebiga (SCW) kuwaas oo la xidhiidha caddaaladda, xorriyadda, dhaqaalaha iyo u xaqsoorka bulshada.

Laakiin marka la eego ku dhaqanka shareecada Islaamka Sacuudiga oo ah xuduntii Islaamka ayaa galay kaalinta 91-aad, halka Masar oo hoy u ah jaamacadda faca weyn ee Al-Azhar ay gashay kaalinta 128-aad. Si kastaba ha ahaatee, waddamo Carab ah iyo kuwo Islaam ah ayaa kaalmaha ugu hooseeya ka galay liiska ka soo baxay cilmi-baadhista Jaamacadda George Washignton. Source: Aljazeera

Posted by