Connect with us

World News

Ciidanka Suudaan oo Qarka u saaran in ay casilaan Madaxweynaha

Idaacadda iyo Telefishanka qaranka Suudaan ayaa joojiyey barnaamijyadii iyo wararkii caadiga ahaa ee ay baahin jireen, iyada oo laga dhursugayo warsaxaafadeeda kasoo baxaya ciidamada qalabka sida. Idaacadda iyo Telefishanka ayaa la saaray heeso waddani ah. Wararka ayaa sheegaya in Caasimadda Suudaan ee Khurtuum xalay lagu daadiyey ciidamo milatari oo fara badan.  Ciidamada ayaa gaadhay xarunta hoggaanka ciidamada qalabka sida oo ay dibad-baxyo ka dhigayaan kumannaan Suudaaniyiin ah oo dalbanaya in uu xilka ka dego madaxweyne Cumar Al-Bashiir.

 Dibad-baxyada Suudaan oo markii hore ka bilaabmay sicir bararka maciishadda ayaa markii dambe isu rogay kuwo lagu dalbanayo in uu xilka ka dago madaxweyne Bashiir oo talada hayey 30 sannadood. Dhaqaalaha Suudaan ayaa waxaa ragaadiyey cunaqabataymo uu Maraykanku ku soo rogay 20 sanno kahor, kaddib markii Khurtuum lagu eedeeyey in ay maal-geliso kooxaha argagaxisada.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending