Waadi News - Latest News Update

Chelsea Oo Ganaax Culus Dul Dhigtay Goolhaye Kepa Iyo Sababta

Naadiga reer Ingiriis ee Chelsea ayaa ganaax adag dul-dhigay goolhaye Kepa Arrizabalaga Kaddib markii uu diiday in lagu baddelo goolhaye kale daqiiqadihii ugu dambeeyey ee Ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Axaddii dhexmartay Manchester City iyo Chelsea.

Chelsea oo rikoodhayaal laga adkaaday ayaa Kepa Arrizabalaga ayaa ku ganaaxday hal toddobaad oo bilaa mushahar ah. Kepa ayaa ku gacansaydhay tabobare Maurizio Sarri oo soo jeediyey in inta rikoodhayaashu socdaan naadigooda uu goolka u galo gool-haye Willy Caballero oo khabiir ku ah rikoodhayaasha.

Posted by