Waadi News - Latest News Update

Buskul La soo isticmaalayey in ka badan 100 Sannadood oo la ogaaday in Uu Xaaraan yahay!

Tan iyo sannadkii 1912 waxa uu caalamku isticmaalay 500 oo bilyan oo kartoon ah buskulka , balse Muslmiinta ayaa dhawaan ku anbabaray inay xaaraan quudanayeen kaddib markii shirkadda buskulkaas soo saartaa ay 11-kii May 2019 boggeeda Twitterka ay soo dhigtay in cuntooyinka ay soo saarto ayna waafaqsanayn shareecada Islaamka sidoo kalena ayna xalaal ahayn.

Si dakhso ah ayey shirkaddu  hadalkaas uga saartay boggeeda Twitterka kaddib markii uu dhaliyey jahawareer iyada oo la sii baahiyey kumanaan jeer. Balse shirkaddu waxa ay sheegtay in nuxurka farriintaas laga helayo boggeeda caadiga ah. Shirkadda oo Su’aala badan lagu waydiiyey boggeeda ayaa ka jawaabtay waydiin ahayd Buskulka Oreo ma xalaal baa? Waxayna jawaabtii noqotay: “Maya”.

Si kastaba ha haatee shirkadda ayaa ku doodday in Oreo-ha lagu iibiyo Imaaraatka uu xalaal yahay balse ay farriinta ay soo dhigeen looga jeeday buskulka Oreo ee lagu isticmaalo Maraykanka iyo Kanada.

Posted by