Waadi News - Latest News Update

Amiirka Qadar Oo Ka Baaqday Shir Makka Ka Furmay

Waxaa maanta ka furmaya magaalada Barakaysan ee Makka 3 Shir oo ay ku baaqday boqortooyada Sacuudigu. Habba in kasata oo boqorka Sacuudiga uu shirkaas ku martiqaaday madaxda Carabta oo uu ka mid yahay Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamd Aala Saani, haddana sida ay wararku sheegayaan waxaa dalka Qadar ugu qayb-gelaya ra’iisal wasaare Cabdulahi Bin Nasir Aala Saani. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Qadar ayaa Arbacadii bartiisa Twitterka ku soo qoray:

 “Dawladda Qadar oo aan maalinka ka maqnaanin shirarka Carabta, Islaamka iyo Caalamka, waxay ay iyada oo danta gololka ka horraysiinaysa Khaliifka (waddamada dhexdooda ah) ay mar kale go’aansatay in ay si heer sare ah ugu qayb-gasho shirarka Makka iyada uu ku matali doono Ra’iisal wasaare Al-Sheekh Cabdulahi Bin Nasir Aala Saani”. Si kastaba ha ahaatee, Makka ayaa muddo laba maalmood ah marti-gelinaysa 3 shir oo laba ka mid ah ay degdeg yihiin – Shirka Carbta iyo Khaliijka- halka ka saddexaadna uu yahay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo xilligiisi caadiga ahaa qabsoomaya. Shirarkan ayaa ku soo beegmaay xilli ay gobolka ka taagan tahay xiisad u dhaxaysa Sacuudiga, Imaaraatka iyo Maraykanka oo dhinac ah iyo Iran oo dhinaca kale ah.

Posted by