Connect with us

World News

Amar-diiddo Shicib Oo Lagaga Dhawaaqay Suudaan

Kooxaha mucaaradka Suudaan ayaa ku baaqay “amar diiddo Shicib” oo dalka oo dhan ah taas oo soconaysa tan iyo inta golaha milatarigu ay xilka ku wareejinayaan xukuumad rayid ah. Amar-diidadan ay ku baaqeen isbahaysiga xirfadlayda Suudaan ayaa imanaysa maalmo uun ka dib isku dhacyo dhiig badan ku daatay oo ay ciidamda ammaanku ku kala eryeen dibad-baxyaashii hor-fadhiyey taliska guud ee ciidanka Suudaan. “Amar-diidada Shicibku waxa ay bilaabmaysaa maalinta Axadda waxayna dhammaanaysaa marka xilka lagu wareejiyo xukuumad rayid ah” sidaa waxaa lagu yidhi warsaxaafadeeda ka soo baxay isbahaysiga xirfadlayda Suudaan.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray “Amar-diidadani waa mid nabadeed balse awoodda inay qaadato hubka ugu awoodda badan caalamka”. Xisbiga Umadda oo ka mid ah xisbiyada ugu waawayn Suudaan ayaa cambaareeyey xadhig lagu bartilmaameedsaday qaar ka mid ah hoggaankiisa isaga oo Golaha Milatariga ugu baaqay in ay si degdeg ah u sii dayaan dhammaan dadka xidhan. Xisbigan ayaa Golaha Milatariga u xambaariyey masuuliyadda khalkhalka siyaasadeed iyo ammaan darrada soo ifbaxday

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending