- Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Masaajid caan ka ah Koonfur Afrika oo Eedaaanka lagu Haysto (CAALAM)

Xafiiska madaxweynaha dalka Kenya ayaa ugu dambayn ka jawaabtay eedaymihii Twitterka loo soo mariyay ee sheegayay in la la’yahay. Afhayeenka madaxweynaha Kanze Dena oo Twitterro badan soo qortay ayaa sheegtay in ay la yaabtay qaar ka mid ah Twitter-rada la soo qorayo, isla markaasna uu madaxweyne Kenyatta joogo isla markaasna uu shaqaynayo. Baraha bulshada ayaa aad looga hadal hayay arrintan waxayna afgarad ka dhigteen #whereisuhuru) and #findpresidentuhuru oo macno ahaan u dhaw #away uhuru) iyo #raadiya Uhuru.

Dadka Kenyanka ah ee baraha bulshada isticmaala ayaa sheegtay in aan madaxweynaha la arag tan iyo markii uu Shiinaha aaday 23 bishii Abriil isaga oo raadiyay dayn lagu dhiso khad tareen oo casri ah taas oo ay ku baxayso malaayiin doolar. Afhayeenka madaxweynaha ayaa sheegtay in ayna waxba ka jirin wararka sheegaya in ujeedada uu madaxweynaha u tagay Shiinaha ay ka mid ahayd in uu dayn waydiisto. BBC