Connect with us

World News

Trump Oo Ku Farxay Jabkii Kooxda Dawladda Islaamka

Madaweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa soo dhaweeyay jabkii kooxda la baxday Dawladda Islaamka ee muddada ku sugnaa dalka Suuriya, wuxuuse ka digay in weli ay kooxdu tahay khatar. Hadalka Mr Trump ayaa imaanaya kaddib markii xoogagga Kurdiyiinta ee Suuriya Democratic Forces (SDF) ay sheegeen in ay soo afjareen kooxdii la baxday dawladda Islaamka ee ka dagaallamaysay Suuriya.

Dagaallamayaasha jabhadda SDF ayaa calanka guusha ka taagay magaalada Baghuz, oo ahayd magaaladii ugu dambaysay ee ay gacanta ku haysay kooxda jihaad doonka ahi. Hase ahaate inta aanay dabbaaldagyadu bilaaban waxaa dhanka kalena jiray digniino ku aaddan in hadhaaga IS uu yahay khatar caalami ah.

Kooxaha jihaad doonka ah ayaa wali ka jira gobolka waxayna ku xooggan yihiin dalalka qaar lagasoo bilaabo Nigeria ilaa iyo Philippines. Markii ay xoogganayd kooxda IS waxa ay maamuli jirtay dhul cabbir ahaan gaadhaya 88,000 sq km (34,000 sq miles) oo katirsan Suuriya iyo Ciraaq.

Shan sano oo dagaallo kharaar ah kadib, xoogagga deegaanka oo ay taageerayaan quwadaha aadduunka ayaa waxaa u suurto gashay in ay IS ka qabsadaan dhammaan dhulkii ay haysteen marka laga yimaado dhul kooban oo kuyaal xuduudda Suuriya iyo Ciraaq.

Isbahaysiga SDF ayaa dagaalkii u dambeeyey horraantii bishaan la galay, haraadigii kooxda Daacish oo ku sugnaa magaalada Baghuz ee kutaal Bariga dalka Suuriya.

Isbahaysiga ayaa lagu khasbay in ay dagaalka qaboojiyaan kadib markii uu soo baxay warka sheegaya in dad aad u fara badan oo rayid ah ay ku sugan yihiin halkaas. Isbahaysiga ayaana duqaynayey dhismeyaasha, teendhooyinka iyo godadka dhulka hoostiisa kuyaal. BBC Somali

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending